isniin-December-25-2023-{HMC}-Soomaaliya – Xarunta horumarinta iyo Baarista Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen maanta kaga hadlay mawqifkooda ku aadan go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ee kaga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.
Madasha ayaa daraaseysay 3 soo jeedin oo kala ah:
1- Doorashada ayaa la qaban doonaa January 8, 2024, iyadoo la dooranayo 49 xildhibaan, iyadoo aysan ka soo qaybgelin 17 wakiil oo ka socda SSC-Khaatumo.
2- In doorashada dib loo dhigo inta xal la isku raacsan yahay laga gaarayo 17-ka xildhibaan ee SSC-Khaatumo.
3- 66 Xildhibaan ayaa la soo xulan, qaabka loo soo xulayna lama cadeyn.
Intaas ka dib, waxa ay isku raaceen taageerida g’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, doorashadana waqtigeedii ku dhacdo si nabad ah, islamarkaana 49 Mudane ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.