Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Odayaasha dhaqanka Degmada Ceelbaraf oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hirshabelle

Axad-December-24-2023-{HMC} Odayaasha dhaqanka Degmada Ceelbaraf ayaa la kulmay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle oo uu ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadow iyo Saraakiisha ciidamada NISA iyo Darawiishta.

Kulankaan ayaa looga hadlay sugidda Amniga iyo isla shaqeynta ciidamada iyo bulshada Deegaanka iyo sidii looga hor tegi lahaa isbaarooyinka soo noq-noqday oo ay dacwo ka ahayeen odayaasha dhaqanka degmada Ceelbaraf, waxaana ugu danbeyn Saraakiisha ciidamada iyo odayaasha Isla qaaten in qofkii isbaaro dhigto ay soo sheegan qofkii lagu arkana halka ay u taal lagu toogto.

Dhanka kale qodobada kulanka looga hadlay waxaa kamid ah in wax qori ah aanan lagu dhex qaadan karin gudaha degmada Ceelbaraf waxaana ciidamada ay durbadiiba soo qabteen Saddex ka mid ah rag isbaaro ka dhiganayay gudaha degmada kuwaa oo ay horey u baadi goobayeen ciidamada Amniga.

WARARKA