Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa ka soo baxay shirka Murshaxiinta madaxweyne Maamulka Puntland?

Axad-December-24-2023-{HMC} Musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Maamulka Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe, iyaga oo uga hadlay isbedellada la xiriira go’aanka SSC-Khaatumo ee ka bixitaanka golahayaasha dowladda Puntland.

 

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad ee Dowladd Goboleedka Puntland.

 

Sida aan xogta ku helayno, musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, isla markaana walaac ka muujiyay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, iyaga oo laga dhursugayo inay war ka soo saaraan.

 

 

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka aamusay go’aanka SSC-Khaatumo ay uga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

 

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweyne, taasoo saameyn ku yeelan doonta xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Puntland.

WARARKA