Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Lataliyihii Xiriirka Caalamiga ah iyo Isuduwaha Barnaamijyada

Sabti-December-23-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed

 

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

WARARKA