Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Weerar loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorey oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Falkan ama Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee dagmada hodan ayaa waxaa gaystay nin ku hubeysnaa Mindi ama Toorey oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa halkaasi.

 

Ninka ayaa la sheegay inuu ku qaylinayay Allaahu Akbar, kadibna uu beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla halkaasi, waxaana ka dhashay dhaawaca hal askari.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in isna la toogtay ninka weerarka gaystay, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

 

Dhaawac ninka ayaa sidoo kale la geeyay isbitaalka, waxaana hay’adaha amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi.

 

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya toogashada ninkan, isla markaana ay ku hareereysan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsan yahay Al-Shababa, isla markaana uu weerarka sidaas ku qaaday, balse laamaha amniga ayaa ku haya baaris.

 

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay maalmihii u dambeeyay daganeyd xaaladda Muqdisho oo shaqo fiican laga qabtay marka loo eego sidii hore.

WARARKA