Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda oo soo bandhigtay shaqsi ka tirsanaa A,S

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa maanta deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose kusoo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahannada A,S oo isku soo dhiibay ciidanka milatariga

 

Cabdirashiid Maxamed Cabdi {Indhacadde} oo kooxda A,S katirsanaa muddo shan sanno ah ayaa kasoo baxay kooxdaasi, waxa uuna xiriir lasoo sameeyay iskuna dhiibay ciidanka dowladda ee Jannaale ku sugan

 

Ninkan oo kasoo jeeda magaalada Baydhabo ayaa sheegay in kooxda A,S ku biiray sannadkii 2018-kii, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

 

Waxa uu sheegay Cabdirashiid Indhacadde in dhibaatooyin badan kala soo kulmay kooxda A,S intii uu katirsanaa, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in uu isaga soo tago kooxdaasi uu sannadaha badan kasoo tirsanaa

 

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanno lala duwan maalmihii lasoo dhaafay kusoo bandhigtay xubno katirsaaa A,S, kuwaa oo dowladda sheegtay in ay kasoo baxeen kooxdaasi kana faa’iideesteen cafiskii loo fidiyay.

WARARKA