Sabti-December-23-2023-{HMC} Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab ka helayay ciidanka xoogga dalka ayaa saakay aroor hore weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saldhig weyn oo kooxda AS ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka saakay aroor hore dhacay lagu beegsaday howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen dagaalyahanno katirsan as.
Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiid kooxda As qaraxyo ku diyaarinayeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay AS.
Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay ku beegsanayaan kooxda Al Shabaab, duqeymo maalmihii lasoo dhaafay dhacay ayaana lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahnno katirsan AS.