Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay Gudaha Badda iyo Guud ahaan hantidii saarnayd.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Waxaa galabta dab ka kacay doon u rarnayd ganacsato Soomaali ah, taas oo sida uu noo xaqiijiyey wasiirka warfaafinta ee Galmudug, Abshir Cabdi Sheekhow, sidday badeeco gaadiid u badan.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxa ay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Sida uu noo sheegay wasiir Abshir, wax khasaare nafeed ah ma jiro balse waxba kama badbaadin hantidii saarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12 bishan kasoo kicitantay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraatka Carabta, waxayna ku jeedday dekadda magaalada Hobyo.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontani basbeesho kuna gubtaan dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirta bagaash iyo gawaari 100 xabbo ku dhow.

WARARKA