Jimco-December-22-2023-{HMC} Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku kala riday laba eedeysane oo dilal horay uga geestay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye Xuseen oo lagu helay dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay ninkeeda, waxaana maxkamadda ku heshay haweeneydan eedeymaha dilka ah ee loo soo jeediyay.
Sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Ibraahin Ismaaciil Dhibil Salaad oo lagu helay isna in dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmahan waday dhageysiga dacwada dilka ah ee loo heestay labadan gacankudhiigle , iyadoona maxkamadda ugu dambeyn Hodan iyo Ibraahim ku riday xukun dil ah.