Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhallinyaro soomali ah oo laga soo tarxiilayo Ruushka

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Muddooyinkii lasoo dhaafay dalka Ruushka waxaa kusii qul qulayay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ,kuwaa oo dalkaasi uga sii gudbayay waddamada reer Galbeedka qaarkood gaar ahaan dalka Finland

 

Soomaali badan oo tagtay Ruushka ayeyna u suurto gashay in ay uga sii gudbaan dalal kale oo Yurub kuyaalla, halka kuwa kalana ay ku xayirmeen oo ilaa hadda gobolo dalkaasi katirsan ku sugan yihiin

 

Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaana xir xiray dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay qaarkood iyaga oo tahriibaya iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay, waxa ayna dadkaasi qaarkood dib ugu soo celiyeen Soomaaliya

 

Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo u xiran ciidamada ammaanka Ruushka, kuwaa oo lagu eedeeyay in sharci darro ku galeen dalkaasi iyo kuwa kale oo sharciga ka dhacay

 

Dadka xiran ayeyna sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Ruushka in la qorsheenayo in maalmaha soo socda loo musaafuriyo Soomaaliya oo markii hore ka tageen, waxa ayna safaaradda u digtay dadka Soomaaliyeed ee wali Ruushka u imaanaya tahriibka.

WARARKA