Khamiis-December-21-2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Kulan looga hadlayo xaaladaha Amniga Magaalada Jowhar iyo guud ahaan Gobolka la qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS.
Ujeedadad kulanka ayaa ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Gobolka Shabellaha Dhexe waxaana uu haa kulankii ugu horeeyay ee uu Axmed Meyre Makaraan la qaato Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS ee howgalka u jooga Soomaaliya
Kulanka u dhaxeeyay maamulka shabellaha dhaxe iyo Admis ayaa waxaa Diirada lagu saarayey xaaladaha Amniga Gobolka iyo sidii leysaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaariijta
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mahadceliyey garab istaaga Ciidamada ATMIS iyo Taakuleynta Dadka shacabka u sameeyaan.