Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’isul Wasaare Xamse Abdi bare oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

 

Xamsa Barre ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay

 

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban, dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaarijta , qaadista Cunaqabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya

WARARKA