Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Bangiga Horumarinta Afrika oo dhaman shaqqalihiisa shisheeye kala baxaya Itoobiya

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in uu dhammaan shaqaalihiisa caalamiga ah kala baxayo dalka Itoobiya, kaddib markii ciidamada ammaanka dowladda ay weerar ku qaadeen shaqaalahooda.

Bangiga ayaa cabasho rasmi ah ka gudbiyay maamulka Addis Ababa bishii hore. Waxa uu ku tilmaamay weerarka iyo xadhigga laba ka mid ah shaqaalihiisa oo dhacday bishii Oktoobar dhacdo dublamaasiyadeed oo halis ah.

Madaxweynaha bangiga, Akinwumi Adesina ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn sida aysan shaqaalihiisu u dareemayn ammaan ku ay ku shaqeeyaan kuna dhex socdaalaan dalka gudihiisa.

Bangiga oo magaciisa loosoo gaabiyo AfDB waxa uu in ka badan hal bilyan oo doollar ku maalgeliyay ku dhawaad labaatan mashruuc oo laga fulinayo Itoobiya. Ma jiro wax jawaab ah oo wali ka soo baxay dowladda Itoobiya.

WARARKA