Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo Paris & Rome u tagaya arrinta ka taagan Gaza.

Talado-December-19-2023-{HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Ingiriiska David Cameron ayaa u safraya Magaalada Paris caasimadda Dalka Faransiiska si uu halkaas kulan ugula qaato Madaxweyne Macron oo uu kala hadlayo xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

Sida ay ku xog-warrantay Warbaahinta Labada Dal, Macron iyo Cameron waxa ay diiradda saarayaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ku daba-dheeraaday Ciidanka Israaiil ee dhiig-baxa badan ku sababay isla markaana ay ku gaari waayeen soo furashada maxaabiista laga haysto.

Intaas kaddib waxa uu u safrayaa Magaalada Rome ee Caasimadda Dalka Talyaaniga oo uu kulan kula ballansan yahay Ra’iisul Wasaare Meloni oo ay kawada hadlayaan isla arrintaan ka taagan Magaalada Gaza.

Inta uu ku guda jiro socdaalkiisa waxa uu diiradda saaraya Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron sidii loo abuuri lahaa xaalad lagu gaarayo xabbad-joojin si ay uwada hadlaan Xamaas iyo Israaiil dibna ugu laabtaan dhabbaha maxaabiis is dhaafsiga.

WARARKA