Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wafdi sare oo ka socda Bangiga adduunka oo soo gaaray Muqdisho kaddib deyn cafintii

Talado-December-19-2023-{HMC} Wafdigan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Nagaruko oo ah agaasimaha Fulinta Xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 Dal oo Afrika ah, Soomaaliya na ay ka mid tahay.

 

Wasiiru Dowlaha wasaaradda maaaliyadda dowladda FS Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Saleman Sh Cumar ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

 

Dr. Nagaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga, halkaas oo ay ku soo bandhigeen Ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.

 

Sidoo kale Dr. Floribert Ngaruko ayaa kulan gaar ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula qaatay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cigae iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, iyaga oo ka wada hadlay qorshayaasha Dowladda iyo fursadaha Maalgalineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya maadaama Dowladdu ay ku guuleysatay Hannaankii Deyn Cafinta.

WARARKA