Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DEG DEG Mid kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland oo Goordhaw geeriyooday

Mid kamid ah Musharrixiintii u taagnaa xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa saakay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay laamiga dheer ee u dhaxeeya magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho

 

Musharrax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf {Af-Gaduud} ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka saakay ka dhacay degaanka Qayaadsame ee katirsan Gobolka Bari

 

Marxuum Cabdicasiis Af-Gaduud ayaa ka soo kicitimay magaalada Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday magaalada Qardho halkaas oo ay ka socotay soo dhaweyntiisa

 

Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida saakay ku timid marxuum Cabdicasiis Af-Guduud

WARARKA