Isniin-December-18-2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagey qaar kamid ah iskuulada ku yaala Magaalada Baydhabo kuwaasi oo Dowladda Gacanta Ku hayso.
Kormeerka wasiirada Waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mas’uuliyiin kale.
Iskuulada ay maanta ay booqdeen masuuliyiinta ayaa waxaa ka mid ah Iskuulka Baydhabo iyo Abdalla deerow kuwaas oo ay Wax ku bartaan Arddey aad u tiro badan ayna gacanta ku hayso Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.