Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Sheeko cajiib ah oo dhex-martay Wasiir Roobow iyo nin rabay inuu laaluush Siiyo

{Axad, December 17, 2023 HMC} Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Wasiir Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Shiikh Muqtaar Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

Wasiir Roobow ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la iska ilaaliyo laalushka oo Ilaahay laga baqo, isaga oo bulshadana ku booriyay in laga waantoobo bixinta laaluushka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA