Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal Beeleed Ka socda Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} –  Wararka naga soo gaaraya degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayana in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaanka Dararweyne ay ka taagneyd xiisada u dhaxeysay labada maleeshiyo beeleed, hayeeshee saaka uu dagaalka sitoos ah u billaawday.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa iksu heysta dhul kuyaalla degaanka Dararweyne, waxaana goobjoogayaal sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac dagaalka kasoo gaaray.

Colaadda beelaha ayaa sannadihii u danbeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne, iyada oo Somaliland ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.

 

WARARKA