Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka Bariga Afrika

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay heshiiska uu dalka Soomaaliya si buuxda uga mid noqonayo urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, iyadoo xafladda uu shir-guddoominayay guddoomiyaha EAC, ahna madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir.

Shirkan ayaa maanta oo Jimco ah lagu qabtay Magaalada Kambaala ee Dalka Uganda.

Dalka Soomaaliya ayaa la aqbalay in uu ku biiro urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika 24kii Nofembar, isagoo noqday xubinta sideedaad ee ururka marka laga reebo Burundi, DR Congo, Kenya, South Sudan, Tanzania, Rwanda iyo Uganda.

WARARKA