Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xubno Lasheegay in ay ka tirsanyihiin Xamaas oo Lagu Xiray Dalka Jarmalka

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC}  Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Berlin lagu xiray saddex nin oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka Xamaas, halka nin afraadna lagu xiray magaalada Rotterdam ee dalka Holland, kaddib markii la soo saaray amar lagu soo xirayo.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in raggan si adag loogu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin urur argagixiso oo ajnabi ah, iyagoo ula jeeda Xamaas.

“Kadib weeraradii argagaxa lahaa ee Xamaas ay ku qaadeen shacabka Israa’iil, weerarada ka dhanka ah Yuhuuda ee xarumaha Yuhuuda ayaa sidoo kale ku soo kordhay dalkeena toddobaadyadii la soo dhaafay,” ayuu wasiirka cadaaladda ee Jarmalka Marco Buschmann ku yiri hadal uu soo saaray.

“Sidaas darteed waa inaan sameynaa wax walba oo aan awoodno si aan u hubinno in Yuhuudda ku nool waddankeenna aysan mar kale u baqin ammaankooda.” ayuu intaas ku daray.

Dhinaca kale, Xafiiska EW Israel Netanyahu ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka iyo kuwa fulinta sharciga ee Denmark ay sameeyeen 7 xubnood oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Xamaas ayna fashiliyeen weerar ujeedkiisu ahaa in lagu laayo dadka yuhuuda ah.

WARARKA