Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo taageero u helay arrin ay ku dhiban yihiin dadka Muqdisho.

Isniin-December-11-2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dhinac, dar-dargelinta heshiiska Mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda Horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada Bullaacadaha, Qorshaha dib-u-hagaajinta Magaalada, wax ka qabashada Nadaafada iyo helida Gaadiidka culus ee loo adeegsado Nadaafada, Dab-damiska iyo Adeegyada Deg-dega ee Bulshada.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—

 

WARARKA