Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamo Ka gadoodsan mushaar la aan oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Bari

Axad-December-10-2023-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay Maanta xirteen isku socodka dadka iyo Gaadiidka degaano katirsan gobolkaas

 

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa fariisin ka sameystay degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaan ay joojiyeen isku socodka Gaadiidka wadada dheer ee laamiga ah ee aada dhinaca Magaalada Boosaaso, isla markaana Gaadiidka farabadna ay wadadaas klu xayiran yihiin

 

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa, iyaga iyo saraakiishooda waxaa ay sheegeen in aysan muddo billooyin ah qaadan wax mushaar ah, isla markaana madaxda Puntland ay ka dalbanayaan xaquuqdooda

 

Tallaabadaan ay qaadeen Ciidamada katirsan Daraawiishta Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer Ciidamo katirsan Maamulkaasi Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan ay la wareegeen Baro-koontorool oo kuyaalla degaano ka kala tirsan Gobolada Bari#, Nugaal iyo Mudug wallow markii dambe la xaliyay

WARARKA