Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay haweeney dadka ka yaabiyey la joogsatay jidadka Muqdisho

Muqdisho, 09 December 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudeey oo muddo raadineysay sidii ay ula kulmi laheyd madaxda sare ee dalka.

 

“Waxaan ahay Muwaadinad iyo Hooyo Qaran, Xaq ma u leeyahay in aan la kulmo Madaxdeyda, Waxaan rajeyna in ay iisoo jawaabaan” ayuu ahaa boor weyn oo ay ku xardhan yihiin sawirada Madaxda dalka oo ay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey la istaagtay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo codsigaasi ka jawaabaya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Farxiya Cabdi Muudey, asigoona u sheegay in ay ka muwaadin ahaan xaq u leedahay la kulanka Madaxdeyda, waxa uuna ku dhiirageliyay in dhalinyarada sideeda oo kale ay ku wacyigeliso garab istaaga Dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—

WARARKA