Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{AKHRISO} Dowladda Soomaaliya oo qoraneysa shaqaale cusub oo kumanaan gaaraya

Sabti-December-9-2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo labada Golle ee Barlamaanka Soomaaliya kordhinta Qoondada miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada oo qorshaheedu yahay baahinta, horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada dalka.

Wasiirka Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda ee billawga sanadka 2024-ka uu yahay in la qaato saddex kun (3,000) oo macallimiin cusub ah , si loo baahiyo Waxbarashada dalka ee sida weyn ubadkeennu baahida weyn ugu qabaan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DOWLADDA

WARARKA