Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gantaallo lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee magaalada Baghdaad oo aad loo ilaaliyo

jimco December-8-2023-{HMC}  Saddex gantaal ayaa jimcaha maanta lagu weerraray safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Baghdaad ee dalka Ciraaq oo ku taala aag aad loo ilaaliyo.

Gantaallada ayaa sidoo kale ku soo dhacay xarumo ku yaala aagga safaaradaas, oo ay ku jiraan safaarado ay leeyihiin dalal shisheeye iyo xafiisyo ay leedahay dowladda Ciraaq.

Weerarkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay in sidoo kale la weeraray xarun ay ku sugnaayeen ciidamo la dagaalama ISIS.

Weli lama oga faahfaahin intaas dheer oo la xirriira weerarkan iyo khasaaraha ka dhashayba.

WARARKA