Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Turkiga oo Israa’iil uga digay fulinta talaabo ay damacsan tahay

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Israa’iil iney cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii ay ku adkeysaro hanjabaada ay ku weerareyso mas’uuliyiinta Xamaas ee ku sugan Turkiga

 

Waxaa uu sheegay in haddii ay Israaiil ku dhaqaaqdo fal noocaas ah ay ugu kici doonto qiimo weyn oo sababi doona cawaaqib xumo ba’an

 

Madaxa hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil ee ShinBet ayaa dhowaan sheegay iney madaxda Xamaas ku ugaarsan doonaan “meel kasta” oo ay ku jiraan Lubnaan, Turkiga iyo Qatar

 

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada {ICC} u gudbiyay dacwad ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza

 

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in kumanaan qareeno ah oo ka kala socda dalal kala duwan ay u shaqeynayeen si ay u dacwoodaan maxkamada ICC

 

“Waxaan keennay dambiyada dagaal ee Gaza ka dhacay maxkamadda, waana la socon doonaa arrintan. Netanyahu ma awoodi doono inuu ka baxsado ciqaabta falkiisa. Mar dhow ama ha dheeraato, waa la maxkamadayn doonaa, wuxuuna bixin doonaa qiimaha dambiyada dagaal ee uu galay.” ayuu yiri Edogan.

WARARKA