Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 2 nin oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.
Qoraal ay Hay’adda ku baahisay barta ay ku leedahay X ama twitter ayeey ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ragan oo ay sheegtay in ay la shaqayn jireen Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasin Xaaji.
Raga la qabtay ayeey Hay’adda Sirdoonka Soomaaliland sheegtay in fuliyeen falal ku lidi ah jiritaanka Somaliland, inkasta oo aan qoraalka lagu xusin halka laga qabtay, iyo waxa ay ku hawlanaayeen.
“Hay’adda ugu saraysa amniga Soomaaliland ee NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka NIA.
“Gaar ahaana waa shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo Soomaaliland ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda” ayay warbixintu ku dartay.
Mudooyinkii danbe Sirdoonka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiin ka soo jeeda waddamo kala duwan.