Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliland oo walaac ka Muujisay xaalad amni daro ee ka soo koror tay Badda Cas

Talado-December-5-2023-{HMC} Xukuumada Soomaaliland oo sheegtay in ay walaac ku abuurtay falal budhcad badeedbimo oo dhawaanahan ka dhacay Badda Cas, waxayna sheegtay in ay xoojisay amniga badeeda.

 

Wasaarada Arrimaha Guddaha Soomaaliland qarool ka so baxay ayaa lagu yiri”Dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay fiiro gaar ah ku eegaysaa amni darrada ka taagan afaafka Koonfureed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyadoo weeraro lagu qaaday maraakiib  ay ka mid yhiin kuwo ganacsi iyo kuwa dagaal, taasoo abuuri karta xaalad budhcad badeednimo”

Soomaaliland waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay saamaynta dhaqaale iyo bulsheed ee  ka dhalan karta dhaqdhaqaaqa  sharci darrada ah ee ku soo kordhay Badda cas, taasoo ay sheegtay in ay keeni karto sixir barar ku yimaadda qiimaha maciishadda, sidoo kale keenaysa kor u kac ku dhaca caymiska maraakiibta ee Gobolka.

 

Qoraalka waxa lagu yiri in Somaliland oo leh Xeeb dhererkeedu yahay 850km oo ay ilaalinayaan ciidankeedu ay qaaday tallaabooyin lagaga hor tegayo in ay ka dhacaan falal Budhcad Badeednimo iyo tahriibin ka dhacda xeebaheeda.

 

“Labadii wiig ee u danbeeyey Dowladda Somaliland, waxay xoojisay kormeerka iyo ilaalinta xeebaha Somaliland iyo guud ahaan amniga badda ee Gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Soomaaliland waxay sheegtay in ay ka go’antahay xoojinta amniga iyo nabad-gelyada baddeeda, aaggaga ganacsi  ee xuduudaheeda dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da sharci si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

 

Gabagabadii qoraalka waxaa lagu sheegay in  Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi kala samayso dowladaha jaarka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si looga hor tago amni darro iyo Budgcad Badeednimo ka samaysanta Gobolka.

WARARKA