Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Amiirka Qatar oo go’aan ka gaaray aqoonsiga safiirnimada Doodishe

Talado-December-4-2023-{HMC} Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo uu aqbalay safiirnimadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Maxamed Doodishe oo ahaa wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 23-kii November 2023-ka ayay sagootin ugu sameeyeen Wasiir Doodishe oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda si rasmi ah u noqday Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

WARARKA