Axad December 3- 2023{HMC} Sheekh Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa todobo jeer gacantiisa ku qoray 114 ka suuradood ee quraanka.
Soddon iyo afar sano oo noloshiisa ah ayuu sheegay inay ka qaadatay qorista quraanka isaga oo la hadlay BBC da.Wuxuu xusay inuu sii wadi doono hawshaan.
Markii ugu horeysay ee uu bilaabo waxay ahayd sanadkii 1989 kii isaga oo labaatan jir ah. Xilligaas wuxuu sheegay inay yaraaeen kitaabada la heli aray ee dadku ka aqerisan kareen quraanka.
Kitaabka quraanka ee qiraa’ada loo yaqaano ‘Abi Camrah’ ayuu sheegay in si gooni ah uu xilligaas ugu yaraa dalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayay dhaqanka kamid tahay in caruurta da’yaraan lagu geeyo dugsiyada quraanka, waxaana sidoo kale dhaqan ah in badankood la xifdisiiyo quraanka.
“Kitaabka Xafsaha iyo Camaraha labadaba waa xifidisanahay. Taas ayaana ii fududeeyay in aan qoro quraanka,” ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed Cabdullahi.
Billowgii hore ayuu sheegay in uu u isticmaali jiray qorista kitaabka Xabaga geedaha laga soo guro iyo warqado madam xilgaas ay yareeda helida qalimada casriga ah hada uu isticmalo qalin caadi.
Xilligii uu bilaabayay qorista quraanka ayuu sheegay in aysan jirin buugaagta iyo qalimada casriga ee hadda meel walba laga helo. Wuxuu sheegay inuu ku bilaabay qoraalka, warqado uu soo uruuriyay iyo qadka uu ka qooshay xabagta geedaha ka baxa miyyiga Soomaaliya.
“Sadexdii kitaab ee ugu horeeysay waxaan ku qoray xabagta geedaha basle afartii ka danbeeysay qalin caadi ah ayaan isticmaalay” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Maxamed.
Muddo intee leg ayuu ku qoray kitaab kasta?
Maxamed wuxuu sheegay inaysan sahlaneyn qorista guud ahaan suuradaha iyo aayadaha quraanka. Sababtoo ah in aad iska ilaaliso in aad qalad qorto ayaa ka dhigaysa mid aan fududayn. Balse ka go’ naashihiisa ay u suuragalisay inuu dhameystiro qorista quraanka.
“Kitaabkii ugu danbeyay ayaa ugu waqti dheeraa. Siddeed bilood ayuu igu qaatay in aan qoro, balse kuwa kale waa ay ka yaraayeen oo sadex bilood afar bilood ayay igu qaateen aniga oo waliba aad uga taxadaray dhamaadka ilaa billowga”. ayuu yiri Sheekh Maxamed.
Bulshada ayuu sheegay in ay aad u jecel yihiin kitaabada uu qoray oo ay ka codsadaan mar walba isaga oo dhanka kalana xusay in aysan jirin wax culeeysa ah oo ku qabo oo alle u fududeeyay.
“Dadka aad ayay ugu farxaan marka ay arkan Kitaabka 144-ka boqolka oo gacan lagu qoray aad ayay iigu hambaleyeeyaan”.
Xagee ayuu geeyay Kitaabadii uu qoray?
Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay in kitaabki ugu horeeyay ee uu qoray uu geeyay dugsigii quraanka lagu soo baray oo arday badan ay ka aflaxeen, halka kii labaadna uu ku gubtay dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.
“Kitaabadii aan qoray qaar badan oo ka mid ah aniga ayaan haya oo waa la heli karaa”, ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed.
Shanta kitaab ee kale ayuu sheegay in qaar ka mid ah uu isagu gacanta ku hayo kuwa kalana uu siiyay bulsho ka dalbaday oo uu u qoray.
Waa kuma Sheekh Maxamed Cabdullahi
Sanadkii 1970 kii ayuu sheegay in uu ku dhashay magalada Muqdisho.
Quraanka ayuu ka bilaabay dugsi Quraan oo ku yaal dagamada Warsheekh ee Gobolka Shabelaha dhexe isaga oo markii danbe ka dhameyay dugsi kale oo ku yaal magalada Muqdisho.
Waa aabe leh todoba caruur ah iyo laba xaas – ilmahiisa ayuu sheegay inuu u horssedayo wadadii uu ku soo barbaaray ee barashada quraanka kariimka ah.
Sheekh Maxamed wuxuu sheegay inuu haatan ka shaqeeyo diyactirista kitaabada quraanka, halkaas oo ka soo saarto nolol meedkiisa.
Laga soo bilaabo caruurnimadiisa iyo hadda ayuu noqday qof u go’ay diinta iyo quraanka, masaajidda iyo dusiyada quraanka.
Mustaqablka ayuu tilmaamay in uu jecel yahay in uu sii wado qorista Quraanka kariimka ah inta uu nool yahay.
“waxa gacanta lagu qoro aduunka kitaabka Quraanka ah ayaa ugu muhiimsan oo aakhiro iyo aduunba waa lagu liibaanaya marka anigu waa sii wadi doona in aan qoro hadii aan awoodo u helo”, ayuu yiri Sheekh Maxamed.
Xigasho BBC