Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxay ka wada hadleen Dalladda Mucaaradka & Safiirka Ingiriiska?

Axad December 3- 2023{HMC} Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay dallada mucaaradka Puntland iyaga oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo xal u helidda xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay hormuudka ka yihiin Beesha caalamka la iskuna soo dhaweynayo mucaaradka iyo maamulka talada haya uu hogaaminayo Madaxweynaha xilka kasii degaya Siciid Cabdullahi Deni.

Kulanka labada dhinac ayaa qabsoomay ka hor go’aankii Siciid Deni ee xalay inuu ku adkeysto qabsoomida doorashada lagu muransan yahay ee Qof iyo Cod.

Dhanka kale, Mucaaradka ayaa shalay muujiyey sida ay uga go’an tahay wadahadallada, iyaga oo dib u dhigay magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa waxa kale oo ay ku guuleysteen in Caasimadda Garowe laga saaro ciidamada ka soo horjeeda doorashada Deni, si fursad loo siiyo daxdhaxaadinta ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo iyo Beesha Caalamka.

Talaabooyinkaas uma horseedin Madaxweyne Deni inuu wax ka bedelo ajandahiisa siyaasadeed ee halka dhinac ah.

WARARKA