Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Somaliland ka tiri xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya?

Sabti December 2- 2023{HMC} Somaliland ayaa ka soo horjeesatay tallabada Golaha Amniga ee QM uu cunaqabataynta hubka uga qaaday Soomaaliya.

Qoraal ka so baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay “walaac xooggan ka muujineyso kana soo horjeeddo cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay aaminsan tahay in “qaadista cunaqabataynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda Geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka.”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay qaaday xayiraadaha haray ee saarnaa in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka ay helaan hub.

Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo gooyo qulqulka hubkii ay halayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka.

WARARKA