Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhisme ku dumay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo dad ku laayey

Sabti December 2- 2023{HMC} Ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku dhintay ka dib markii guri la dhisayo uu ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dhacdadan ayaa ka dhacday wadada Muratina galabnimadii sabtida iyadoo shaqaaluhu ay ku mashquulsanaayeen goobta, booliska iyo goob joogayaal ayaa sidaas xaqiijiyey.

Taliyaha booliska Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen afar shaqaale ah.

Wuxuu intaas ku daray in lix kale ay ku dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la fileyn dhimasho kale maadaama la tira koobay dhamaan shaqaalihii goobta ka shaqaynayey ayna idilyihiin marka lagu daro afarta dhimatay.

WARARKA