Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Dowladda Deedaanka Soomaalida oo Howlgalo isdabajoog ah Ka wado Magaalada Jigjiga

Sabti December 2- 2023{HMC} Baadhistan iyo hawl galadan uu wado boolisku ayaa looga golleeyahay sidii loogu adkayn lahaa nabad galyada madaama caasimada deegaanku Marti galinyaso xuska Maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya oo markii 18aad dalka Laga xusayo, deegaankana lagu qabanaayo markii labaad.

Waxaana guud ahaan hadda magaalada goobaha ugu muhiimsan ka socda hawl galo isku dhafka oo ay fulinayaan saraakiisha booliska iyo ururada dhalinyarada iyada oo magaalada jawigeedu aad u qabwyahay ayay ciidanka iyo dhalinyaraduba muujinayaan dhabar adayg iyo firfircooni aad u saraysa.

Hawl galadan lagu adkaynayo nabad galayada,waxaa kormeeray hanaaka loo gudanayo shaqada komishineer ku xigeenka komishinka booliska Dowladda Deedaanka Soomaalida Radhaat komishineer.Cali C/jabaar,Taliyaha Booliska MMJigjiga iyo hogaanka nabadgalyada MMJigjiga mudane.Cabdi Maxamad iyo saraakiil kale  Qorshayaashan lagu Xaqiijinayo nabad galyada waxaa sidoo kale qayb kaqaadanaya warbaahinta booliska DDS iyo ta deegaankaba.

WARARKA