Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madxaweyne Saciid Deni oo Garoowe ku qaabilay Danjiraha UK ee Soomaaliya

Sabti December 2- 2023{HMC} Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland

Booqashada Danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa xilli magaalada Garoowe ay ka jiraan Siyaasado isdiidan oo salka ku haya doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, iyada oo Xukuumadda Deni ay damacsan tahay in ay qabato doorasho qof iyo cod

Dalladda Mucaaradka Puntland ayaa qaadacay damaca Deni ee doorashada iyada oo taas badalkeeda ay sameeyeen guddig doorasho oo u gaar ah balse lama ogga sida uu xaalka isku badali doona markii la gaaro bisha koowaad ee sanadka xiga oo ah xilliga loo asteeyey in la qabto doorashada maamulkaas

Dhacdooyinkaan isbiirsaday ayaa ku soo aadaya booqashada Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis ee maanta uu ku tagay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland.

WARARKA