Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hay’adda Duulista Rayidka oo Amar cusub dul-dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala Somaliya

Jimco December 1- 2023{HMC} Bayaan ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed {HDRS} ayaa shirkadaha ka shaqeeyo la dul dhigay amar ku saabsan xilliga Rakaabka diyaaradaha lagu soo xareenaya Garoonka Aadan Cadde oo ay Hay’addu sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dacwo ka timid
Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed {HDRS} waxaa beryahan kusoo laalaabtay cabashooyin la xiriira rakaab ku daahay terminalka kaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay Hay’addu soo faragelisay ugu dambayna loo qaaday maagalooyinkii ay u kala safrayeen.
Shirkadaha dayuuradaha ayaa lagu eedeeyey iney rakaabka saacado fara badan ku hayaan garoonka dayuuradaha iyadoo aysan diyaar aheyn dayuuradii qaadi laheyd taasoo ay cabasho badan ka keeneen dadka rakaabka ah

 

WARARKA