Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xukuumadda Yuhuudda ayaa afka qabatay Dadkii laga soo daayay Xamaas

Talaado Nofembar 27, 2023 {HMC} Xukuumadda Yuhuudda ayaa afka qabatay muwaadiniinta reer Israaiil ee wadahadalka looga soo daayay Dhaqdhaqaaqa Xamaas si aanay u bixin faah-faahin la xiriirta qaabkii ay ula dhaqmeen dagaalamayaashaas muddadii ay gacanta ku hayeen.

Warbaahinta ka howlgasha Deegaannada Israaiil ay xoogga ku heysato ayaa ku tartamaya sidii ay u wareysan lahayd Dadkaan si bannaanka loosoo dhigo xogo badan oo macluumaadkooda ay ogyihiin si loo ogaado noloshii ay ku noolaayeen.

Mid kamid ah Dadkii lasii daayay oo si qarsoodi ah ula hadashay Warbaahinta ku hadasha Af cibriga ee Israaiil ayaa sheegtay in ay la kulmeen Yaxye Sinwaar oo Yuhuuddu aad u raadineyso ahna mas’uul sare oo hoggaamiyo Xamaas.

Waxa ay Haweeneydaan sheegtay in uu kula hadlay Afkooda maadaama uu kusoo bartay Xabsiyada Ciidanka Yuhuudda oo uu waqti dheer kusoo qaatay kahor inta aan heshiis Maxaabiis is dhaafsi ah lagu soo deyn.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in uu Sinwaar weydiiyay in heleen nolol wanaagsan, nabadgalyo, cunno fiican iyo biyo caafimaadkoodu hagaagsan yahay waxaana uu usii raaciyay intaas ay heleen aanay helin Shacabka dulman ee Falastiin oo duqeyn lagu beegsado.

WARARKA