Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul wasaaraha Sweden oo u jawaabay hogaamiye xisbi ku baaqay in la dumiyo masaajidda

Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyay hogaamiyaha xisbiga midigta fog Jimmie Åkesson, kaasoo ku baaqay in la dumiyo dhammaan masaajidada ku yaala Sweden.

Jimmie Åkesson oo Sabtidii kudbad ka jeedinayey shirweynihii sannadlaha ahaa ee xisbigiisa ayaa yiri: “Waa in aan bilownaa in aan dumino masaajidda kuwa ka soo horjeeda dimuqraadiga, Sweden, iyo Yuhuudda.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Åkesson, Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri, “Waxay ila tahay ixtiraam darro oo lagu xumeyno Sumcada ay Sweden ku leaadahay caalamka”.

WARARKA