Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

57 ruux oo isugu jira Suxufiyiin & Shaqaale kale oo la howlgallayay oo Gaza lagu dilay.

Talado Nofembar 28 2023 {HMC} Guddiga difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa war uusoo saaray waxa uu ku sheegay in dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaza laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023 ilaa 23kii Nofeembar 2023 lagu dilay 57 ruux oo isugu jira Suxufiyiin iyo shaqaale la shaqeynayay.

Bayaanka CPJ ayaa lagu sheegay in xog-uruurintooda ay ku diiwaangeliyeen tacadiyada ka dhanka ah Warbaahinta maalmihii ay socdeen dagaallada iyo duqeynta xooggan ee Israaiil ay ku beegsatay Magaalada Gaza.

Guddiga ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo xuquuqda & xorriyadda Suxufiyiinta gaar ahaan kuwa kasoo xog-warrama furimaha dagaalka ee naftooda halista badan u nugul waqti weliba, balse loo baahan yahay in la dhowro.

Qoraalka CPJ ayaa intaas lagu daray in 57daad ruux ay u badan yihiin Suxufiyiinta Falastiin maadaama duqeynta gantaallada culus ee Israaiil ay ku beegsaneysay Magaalada Gaza ku dhinteen waa sida hadalka loo dhigay.

50-ruux waxa ay u dhasheen Falasteen, 4 Suxufi waa Israaiil halka 3 kale ay u dhasheen Dalka Lubnaan waxaana intaas dheer in la xiray 19 Weriye oo aan la sheegin goobta lagu xiray, cidda xirtay iyo xarumaha ay ka howlgallayeen.

WARARKA