Kismaayo: 26, Nofeembar, 2023 {HMC} Madaxweynaha dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Hamza cabdi barre oo booqasho ku yimid Jubaland.
Madaxweyne ku xigeenada Dowlada, gudoonka golaha wakiilada iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maalmaha soo socda booqasho shaqo ku joogi doona Jubaland.
Ra’iisul Wasaarada ayaa u kuur galaya fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubaland isagoo Sidoo kale kulamo la yeelan doona dadweynaha Iyo masuuliyiinta Dowlada Jubaland.