Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Spain oo sheegay in Dalkiisa uu aqoonsanayo Dowladda Falastiin xitaa haddii ay diidaan Dalalka Midowga Yurub.

Sabti Nofembar 25, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa si cad u sheegay in Dalkiisa uu noqonayo waddanka ugu horreeya ee Qaaradda Yurub dhaca ee aqoonsada Dowladda Falastiin xitaa haddii ay diidaan Dalalka kale ee xubnaha ka ah EU-da.

Sanchez ayaa Ciidanka Yuhuudda ku eedeeyay in xadgudub wayn ay ka geysteen Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin kaddib markii ay beegsadeen Dad rayid ah oo isugu jiray Haween, Carruur, Goobo Caafimaad, Waxbarasho & xeryo Barakac.

Hadalkaan waxaa aad uga carootay Xukuumadda Israaiil balse Spain dhex jalaq uma siin oo waxa ay u yeertay Danjiraheeda iyada oo ay ku wargelisay xaaladda soo cusboonaatay iyo in ay ka warqabto waxyaabaha kasoo kordhi kara.

Ciidanka Yuhuudda ayaa Magaalada Gaza waxa ay ku dileen in ka badan 13,000 ruux oo rayid ah kaddib markii Israaiil ay sheegtay in ay la dagaalameyso Xamaas oo ay ka libin heli waysay kuna sii kordhay khasaaraha kasoo gaaray dagaalkaas ay gashay.

Mareykanka oo kaashanaya Waddamo kale oo dhaca Qaaradda Yurub ayaa garab istaag xooggan u muujinaya Ciidanka Yuhuudda waxaana Xulufada la safan Washington ka dhex muuqda Ingiriiska, Faransiiska, Ukraine & Dalal kale.

WARARKA