kooxda Xisbullah oo shaacisay in ay Sii wadeyso dagaalka ay kula jirto Israel.
Khamiis Nofembar 23, 2023 {HMC}Kooxda Xisbulah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay iney sii wadeyso duqeymaha ay ku heyso woqooyiga Israel ka dib xabad joojin afar maalmood ah oo ay gaareen Xamaas iyo Israel.
War ay soo saartay kooxda ayey ku sheegtay ineysan qeyb ka aheyn dhinacyada gaaray heshiiska xabad joojinta ee beri ka dhaqan galaya Gaza sidaas awgeedna ay sii wadayaan dagaalka.
Xabbad joojinta Israaāiil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa inay bilaabato 10-ka subaxnimo xilliga maxalliga ah {3-da subaxnimo ET} Khamiista sida uu sarkaal Israaāiili ah u sheegay wakaalada wararka ee Reuters
Waxaa jira ikhtiyaar ah in hakadka dagaalka uu sii ahaado ilaa 10 maalmood, laakiin saraakiisha Israaāiil waxay rumeysan yihiin inaysan u badneyn inay sii jirto muddadaas.
Raāiisul wasaaraha Israaāiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay markii heshiiska la ansixiyay in 10-ka qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, ay jiri doonto maalin dheeraad ah oo hakad ah dagaalka.
Heshiisku waxa uu dhigayaa in la sii daayo ugu yaraan 50 la haystayaal ah oo Xamaas ay qabsatay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, taasoo lagu beddelanayo in muddo afar maalmood ah la hakiyo ololaha cirka iyo dhulka ee Israaāiil. sido kale 150 maxbuus oo falastiiniyiin ah ayaa laga sii dayn doonaa jeelasha Israel, taasoo qayb ka ah heshiiska