Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Rasaas laga maqlayo isbitaal ay jiifaan bukaanno gaaraya 500

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Madaxa isbitaalka Indonesia ee magaalada Qasa ayaa u sheegay in ‘rasaas goos goos ah’ weli laga maqlayo aaga isbitaalkaas, hakaas oo ay gudaha ugu jiraan bukaanno gaaraya 500 oo qof.

Isbitaalka oo ay maamusho wasaaradda caafimaadka Qasa, ayaa hore u sheegtay, in 12 lagu dilay weerar xaga cirka ah oo Israa’iil ku qaaday isbitaalkaas.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay weerareen magaalada Jeniin iyo xerada qaxootiga Nuseirat oo ku taala halkaas.

Wakaaladda wararka ee Wafa ayaa sheegtay in 17 ay ku dhinteen weeraradaas.

 

WARARKA