Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay bariiska Hargeysa lagu gubay, halkee buuse ka soo galay Somaliland?

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Dowladda hoose ee magaalada Hargaysa ayaa maanta gubtay bariis ay ku sheegeen in uu halis ku yahay caafimaadka dadka kaas oo la qabtay bilowgii bishan November.

Bariiskan ayaa ciidamada ilaalada kantroolka Daloodho ee waqooyiga Hargaysa ay qabteen isagoo ku rarnaa gawaari xamuul ah kana yimid dhanka Jamhuuriyada Jabuuti sida uu BBC-da u xaqiijiyey maayir xigeenka magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar.

Haya’adda Dhowrista Tayada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xaqiijisay halista bariiskan.

“Waxaa laga qaaday samballo kuwaas oo laab ay ku baartay haya’adda Dhowrista Tayada ee Somaliland ka dibna waxaa la xaqiijiyey inuusan u wanaagsananyn in la isticmaalo,” ayuu yiri Khadar.

Maayer xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in uusan bariiskan galin magaalada oo lagu guulaystay in la qabto inta la galin suuqa.

Maxkamadda Hargeysa ayaa xukuntay in la gubo bariiskan iyadoo dowladda hoose ay meel fagaaraa ku gubeen. Sidoo kale waxaa waaran iyo xukunno lagu riday dadkii sida ganacsigaa u watay.

Shixnadda oo dhammayd 96 tan oo bariis ayaa maayer xigeenku sheegay in la gubay oo xeer ilaalinta iyo dowladda hoose ay fuliyeen amarkii maxkamadda.

Isagoo sii hadlayey Khadar waxaa uu xusay in inta ogaalkiisa aysan jirin meel kale oo Somaliland oo bariiskaasi lagu gudbay uuna ka koobnaa shixnadaha Hargaysa lagu qabtay ka dib baaritaanno la sameeyey la xaqiijiyey.

WARARKA