Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shidaalkii Ugu Horeeyay oo la gaarsiiyay Magaalada Qasa tan iyo markii Bilaawday Dagaalka

Khamiis November 16, 2023 {HMC} In kabadan 25,000 oo litir oo shidaal ah ayaa saaka ka soo galay marinka Rafax ee dalka Masar, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xadka ee dalkaasi.

 

Gaarsiinta ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ay ka digeen in kaydka shidaalku ee Gaza uu dhammaan doono Arbacada.

Israa’iil ayaa muddo toddobaadyo ah xannibaysay shidaalka la geyn jiray Gaza, iyadoo ku doodaysa in Xamaas ay xado oo ay uga faa’iidaysato arrimo ciidan.

Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah baabuurta xamuulka ah ee Qaramada Midoobay ee gargaarka u daabula Qaza shidaal lagu shubi doono.

 

WARARKA