spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxay tahay sababta ay qaraha Astaan uga dhigteen Falastiiniyiinta?

Khamiis November 16, 2023 {HMC}  Gudaha Falastiin, oo in la lulaa calanka Falastiiniyiinta uu dembi ka yahay, qaraha lakala jebiyay ayaa loo taagaa ciidamada Israa’iil, kaasoo midabkiisu isugu jiro guduud, madow, caddaan, iyo cagaar oo uu ka kooban yahay calanka Falastiin.”

Tixahan waxay ka yimaadeen “Tixda qaraha”, oo ah gabay uu tiriyay gabyaaga Ameerikaanka ah ee Aracelis Girmay, waxayna ula jeedaan micnaha astaan ee mirahan ay u yihiin Falastiiniyiinta.

Guduud, madow, caddaan iyo cagaar maaha keliya midabbada qaraha balse sidoo kale waa calanka Falastiin, sidoo kalena astaantan waxaa lagu arki karaa meelaha dunida ee ay ka dhacayaan isu soo baxyada iyo fariimaha baraha bulshada lasoo dhigo ee aan xisaabta lahayn iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda Qasa.

Balse waxaa jirta taariikh ka dambeysa arrinta qaraha.

Kaddib dagaalkii Carabta iyo Israa’iiliyiinta sanadkii 1967, markii Israa’iil ay la wareegtay gacan ku heynta Qasa iyo Daanta Galbeed, waxay mamnuucday muujinta astaamaha qaran sida calanka Falastiin iyo midabbadiisa qabsaday geyiga.

Iyadoo ay dembi noqotay in la qaato calan, Falastiiniyiinta ayaa taas beddelkeed bilaabay isticmaalka jeexyo qare ah.

Kadib markii Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay saxiixdeen heshiisyo ammaan oo taxane ah oo ku meel gaar ah oo loo yaqaanno Heshiisyadii Oslo sanadkii 1993, calanka ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kan Maamulka Falastiiniyiinta, kaasoo loo sameeyay inuu maamulo Qasa iyo qyebo ka mid ah Daanta Galbeed ee la heysto.

“Gacanka Qasa, halkaasoo rag da’yar ah mar la xiray sababo la xiriira inay heysteen qare la jeexay – soona bandhigay guduudka, madowga iyo cagaarka midabbada Falastiin – askar ayaa garab taagneyd,” sida uu ku warramay weriyaha New York Times John Kifner xilliyadoo Heshiiska Oslo.

Dhowr bilood kadib, bishii December sanadkii 1993, warqadda ayaa lagu xusay in sheegashada xiritaanka aana la xaqiijin karin, inkastoo intaa lagu daray in “afhayeen u hadlay Dowladda Israa’iil, markii la weydiiyay, uu sheegay inuusan dafiri karin in laga yaabo in dhacdooyinkan oo kale ay jireen”.

Wixii intaa ka dambeeyay, farshaxannada ayaa sii waday inay qaraha u adeegsadaan taageero u muujinta Falastiiniyiinta.

Mid ka mid ah farshaxannada ugu caansanaa waxaa iska lahaa Khaled Hourani. Sanadkii 2007 wuxuu sawiray jeex qare ah oo uu ugu talogalay buug cinwaankiisu ahaa Subjective Atlas of Palestine.

Waxaa lagu magacaabaa Sheekada Qaraha, waxaana sawirkan uu gaaray daafaha dunida, wuxuuna caan noqday dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee bishii May 2021.

 

Kacdoonka soo andhigidda qaraha ayaa isagana soo shaac baxay horraantii sanadkan. Bishii January, markii Wasiirka Ammaanka Qaranka Israa’iil Itamar Ben Gvir uu booliiska ku amray in calamada Falastiiniyiinta ay ka saaraan goobaha bulshada iyo in luliddiisa ay tahay fal “lagu taageerayo argagixisida”, sawirrada qaraha ayaa kasoo muuqday markii ay socdeen isu soo baxyadii mucaaradka Israa’iil.

 

Sharciga Israa’iil ma diidayo calanka Falatsiin balse booliiska iyo ciidamada ayaa xaq u leh inay ka saaraan marka loo arko inuu khatar yahay.

 

Iyadoo dibadbaxyo ay ka dhaceen Qudus bishii July, dibadbaxayaasha Israa’iil ayaa lulayay boorar ay ku xardhan yihiin midabbada calanka Falastiin oo qare ah laguna qoray erayga “xorriyad”.

 

Bishii August, koox dibadbaxayaal ah ayaa funaanado ku xardhay qare mar ay isugu soo baxeen Tel Aviv iyagoo diiddanaa qorsheyaashii wax ka beddelka sharciga ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Xigasho BBC

 

WARARKA