Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan Madax ka socoto hay’adaha Samafalka oo Kormeeray Dadka Ceeljaale ku Barakacay

Khamiis November 16, 2023 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa maanta kormeeyay qoysaska ka barakacay Fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Magaalada Baladweyne kuwaas oo ku nool duleedka Magaalada.

 

Cabdulaahi Sufuroow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa qoysaskaasi ka xog-wareestay xaaladda aay ku noolyihiin, waxuu u ballan qaaday in dhawaan heli doonaan gurmad.

 

Kormeerka Gudoomiyaha waxaa ku wehliyay Madaxda ka socotay hay’adaha Samafalka ee ka howlgalo Gobolka hiiraan waxaana ay indha indhey ku sameeyeen goobaha ay dadka u barakaceen iyo sida ay tahay xaaladooda nololeed.

 

Waa markii ugu horeysan oo ay kormeeraan masuuliyiin ka socotay maamulka Maamulka gobolka Hiiraan iyo hayadaha samafalka dadkii ka barakacay Fatahaada Magaalada tan iyo markii u bilaawday in dadkan ay guryahooda ka so cararaan.

WARARKA