Jimco November 16, 2023 {HMC} Baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyay in ciidamo booliis ah loo diro dalka Haiti, si ay gacan uga geystaan daminta rabshadaha kooxaha burcadda ah ee ka socda dalka Haiti, inkastoo ay maxkamaddu soo saartay amar lagu joojinayo in askartaas loo diro dalka Haiti.
Go’aanka Xildhibaanada ayaa yimid maalintii Khamiista, xilli ay Maxkamaddu dhageysaneysay dacwad la xiriirta sharci ahaanshaha in ciidamada la geeyo halkaa.