Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Suudaan oo siweyn Loogu so dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

Arbaco Nofembar 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Golaha kumeel gaar ah ee Dalka Suudaan General Abdelfattah Alburhaan ayaa siweyn Loogu so dhaweeyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka itoobiya.

 

General Abdelfattah Alburhaan oo ah madaxweynaha KMG ah ee Dalka Suudaan waxaa garoonka diyaaraha boole ee Magaalada Addis Ababa ku so dhaweeyay Ra iisulwasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed Ali.

 

“Waxaan maanta ku soo dhoweeyey dalka Itoobiya General Abdelfattah Alburhan, Madaxweynaha Golaha ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Suudaan si aan uga wada hadalno arrimaha muhiimka ah ee taagan ayuu yiri” Ra iisulwasaare Abiy Ahmed Ali.

 

si rasmi ah looma oga safarka Madaxweynaha ku meelgaar ah ee Dalka Suudaan uu ku tagay Dalka itoobiya,balse waxa uu ku so aadayaa xili ay Colaado ka socdaan Dalkaasi.

WARARKA